| PUNTLAND OO LOO GACAN GELIYEY BUDHCAD BADEED AY SOO QABTEEN FARANSIISKA |
|
|
|
| Tuesday, 13 October 2009 09:15 | ||||||
![]()
Ciidamada Faransiiska ee jooga xeebaha dalka Somalia ayaa Isniintii u gacan geliyey maamul goboleedka Puntland ilaa iyo 5 burcad badeed Soomaali ah kuwaas oo ciidamada France ka qabteen xeebaha ka baxsan Somalia mudo iminka laga joogo lix maalmood.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda dalka France oo lagu magacaabo Admiral Christophe Prazuck ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFp in markab dagaal oo uu leeyahay France ay gaarsiiyeen galabnimadi shalay xeebaha magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland 5 nin oo burcad badeed Soomaali ah kuwaas oo dhawaan weeraray markabka La Somme ee dalka France.
Kooxdan burcada ah ayaa ku qaldamay asbuucii hore markabka La Somme oo ah mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Faransiiska ee ka howlgala xeebaha Somalia,waxaana ciidamadi la socday markabka ay markaasi qabteen burcada badeeda Soomaalida ah.
Ciidamada badda ee dalka France ayaa ah kuwa ugu badan ee qabta burcad badeeda Soomaalida marka laga eego ciidamada Midowga Yurub ee ka qeybgalaya howlgalka loogu magac daray Atalanta ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaalida. Dhinaca kalana dowlada Seychelles ayaa shalay ku dhawaaqday in ay sii deysay dooni ay lahaayeen kooxo burcad badeed Soomaali ah oo ay la socdeen ilaa iyo 11 ruux kuwaas oo asbuucan laga qabtay biyaha baddaweynta  HMC Â
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |
















