|
WASIIRADA HAWEENKA IYO ARIMAHA QOYSKA CAASHA GEELE OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MINNESOTA [+SAWIRO] |
|
|
|
|
Saturday, 24 October 2009 10:33 |
 Minnesota:-Caasho Gelle Diiriye oo ah Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska DGPL ayaa si weyn loogu soo Dhaweeyey Gobolka Minnesota Caasho Geelle ayaa waxaa Casho sharaf u sameeyey Ururka Puntland Diaspora Forum waxaan ay xaflada casho shartu ka dhacday Hotelka la yiraahdo Radisson oo ku yaal Xaafadda Roseville.
Halkaan ka Daawo Sawiro Badan
Xaflada casho sharafta ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan Jaaliyadda Soomaliyeed ee Minnesota waxayna ahay casho sharaftan mid ka gadisan soo dhaweyntii looga bartay Jaaliyadda Minnesota waayo waxay ahayd sida goobta laga sheegay ama dareenku ahaa Gabar Wasiira oo Soomaaliya oo dad ka inta badan aysan arag wali Gabar Soomaliyeed oo Wasiir ah waxaana Goobta looga tiriyey Buraanbur Amaan iyo Guubaabo iskugu jira Haween badan oo Guubta ka Hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweyn jireen rag Boorsooyin dhaadheer wata laakiin hadda ay tahay wakhtigii Haweenka Marwo Xaawo Faarax Cadde Ayaa Sheegtay in Caasho Geelle Mudan tahay In Dayax Gacmeed la saaro
Halkan Ka Dhagayso Buuraan Burkii Marwo Xaawo Ayeeyo
 Xaawo ayeeyo oo Buraan Buraysa

Dhinaca kale Professor Mohamuud Xaamud oo ah Madaxweynaha ku Xigeenka PDF ayaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiirada oo waxaana hanbalyo iyo soo dhaweyn Hawada u soo marsiiyey Ambassador Abdiqadir Hashi oo Canada ku sugan sida Goobta uu ka sheegay Xiriiriyaha Barnaamijka C/fitaax yare Hadal kii Xaamud
Halkaan Ka Dhagayso (Dhawaan)


C/risaaq Ducaysane oo ah Xiriiriyaha Qurba Joogta Puntland Xafiisna ka Furtay Caasumadda Puntland oo Howlo Safar u Jooga Minnesota haddana ka mid ah Jaaliyadda Minnesota oo goobta ka hadlay ayaa ka waramay Howl karnimada Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska Caasho Geelle wax uuna Xususay in wasaaradaan ay tahay tan ugu shaqaalaha badan Puntland waxuuna ka wara may doorka ay ka cayaartay Puntlland gaar ahaan Xiligii Doorashooyinku socdeen.
Halkaan Ka Dhagayso (Dhawaan)

Mohamed Kaynaan oo ah Xildhibaan ku jira Baarlaanmka Dowladda Federaalka ah kana soo jeeda Puntland oo ayaa asna goobta ka hadlay asaga oo soo dhaweeyey Wasiirada.
Halkaan Ka Dhagayso (Dhawaan)
Shaham Xalwo oo ka timid Bostan iyo Xaawo Faarax Cadde iyo Faarax mire iyo Nin ka socda Jaamacadda Minnesota iyo Nin kale oo qaabilsan Qaxuutiga






Proffe, M Xaamud oo Jaamacadda Puntland State wax ka dhiga iyo Farxiyo Ahmed oo soo dhaweynaya Wasiirada Halkaan Ka Dhagayso (Dhawaan)

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska Halkaan Ka Dhagayso waxay ka hadashay Xaaladda dalka guud ahaan gaar ahaan waxay wax ka taabatay Burcad badeedka iyo dhibaatooyinka ay geystaan waxay kale oo ka hadashay dhibaatada haysta Dhalinyarada shaqa la,aanta iyo dadka reer guuraaga ah waxay kale oo ka hadashay dayaca haysta Gabdhaha Soomaliyeed Khud badeedii ayaa ahayd mid kaftan ku uu san ka marnayn waxayna tiri Inta aan Dayax Gacmeedka la i saarin horta ragga wax badan ayaa loo sacabiyey ee hadda dumarka caawey ha u sacabiyaan inta meesha la fadhiyana sacabka ragga ayaa ku qoran Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa Khudbadeedii dhinacya badan taabanaysay .

Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon North America Minnesota Minneapolis Source: Halgan.net
|