Wararkii ugu dambeeyey :
| XARAKADA ALSHABAAB OO ISKA FOGEYSAY QARAXII SHALAY KA DHACAY MUQDISHO KUNA EEDAYSAY DOWLADA DHEXDEEDA |
|
|
|
| Friday, 04 December 2009 09:19 | ||||||
MUQDISHO ::Xarakada Alshabaab ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshaha qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay Hotel Shamow, iyagoo sheegay in qaraxaas ka maqleen Warbaahinta.Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxaas Shabaab aanay wax lug ah ku laheyn, isagoo u tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday ee rayidka ahaa. "Qaraxas Shabaab kuma lug lahan, runtii waxaa ka maqalnay Warbaahinta, waxaana ka dambeeyay dadka shalay la dhahayay xilalka ayaa laga qaaday"ayuu yiri Cali Dheere oo isku ujeedo ku tilmaamay banaan bixii looga soo horjeeday xil ka qaadista Cabdi Qeybdiid iyo qarixii Hotel Shaamow. Waxaa uu si gaar farta ugu fiiqay in qaraxaas ka dambeeyaan Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda oo qaarkood uu sheegay si ay ugu bad baadsadaan kursigooda u sameeyay falkaan sida uu hadalka u dhigay. Inkastoo aan wali jirin cid sheegatay qaraxaas, ayaa hadana dowladda KMG ay soo bandhigtay ninkii isku qarxiyay goobtii Xaflada qalin jebinta ka dhaceysay, kaasoo qaarka dambe ahaa mid ka maqnaa, maadaama suunka wax qarxa uu ugu xirnaa dhexda. ![]() Qofkii Hotelka Isku qarxiyay  HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









::Xarakada Alshabaab ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshaha qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay Hotel Shamow, iyagoo sheegay in qaraxaas ka maqleen Warbaahinta.







