|
CIIDAMADA MAAMULKA SOMALILAND EE GOBOLKA SOOL OO SHEEGAY IN AY GACANTA KU DHIGEEN RAG LAGU TUHUNSANYAHAY IN AY KA TIRSANYIHIIN ARGAGIXISADA |
|
|
|
|
Saturday, 05 December 2009 14:44 |
|
LAASCAANOOD: :Taliyaha ciidamada Police-ka maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood Faraax Cawaale ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in ciidamada la dagaalanka Argagixisada ay gacanta ku so dhigeen 6 nin oo hubeysan kuwaasoo uu ku eedeeyay inay doonayeen inay geystaan falal amni xumo ah.
Taliyahaan waxaa uu sheegay in raggaan lasoo qabtay oo watay gaari yar ay sidoo kale waten hub iskugu jira Qoryo,Bamboyinka gacmaha laga tuuro iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago waxaana uu intaa ku daray inay socdan baritaano arrintooda lagu oganayo.
Farax Cawaale taliyaha ciidamada Police,ka M/mulka Somaliland ee degmada Laascaanood waxaa kale oo uu sheegay inaysan gaeraneyn halka ay dadkaan kazoo galen magaalada Laas-caanood hase ahaatee waxaa uu ku eedeyayt inayt qorsheynayen inay geystaan falal amaanka lagu qal qal galinaayo.
Arrintaan ayaa waxay ku soo beegmeysa xilli dhawaan uu qarax magaalada Laascaanood ka dhacay uu ku dhaawacmay taliyaha ciidamada m/mulka Somaliland ee gobolka Sool Cusmaan Yuusuf iyo afar ruux oo kale . Â HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
|