| SHIR AY YEESHEEN BEELAHA SANAAG HAYLAAN IYO BARI IYO MADAXWEYNE FAROLE IYADOO QODOBO LA IS LA MEEL DHIGAY |
|
|
|
| Wednesday, 23 December 2009 17:36 | ||||||
GAROOWE:: Shir albaabadu u xiranyahay oo ay wada yeesheen beelaha Sanaag/Haylaan/Galbeedka Bari ayaa ahaa mid xasaasi ah oo looga hadley xaaladii ka dhacdey deegaanka Ceel Daahir. Shirkan ayaa madaxweynaha u sheegay beesha SHB in ay dowladu baaritaan ku sameyn doonto dhacdadii ka dhacdey deegaanka Ceel Daahir. Madaxweynaha ayaa sheegay in si qaldan wax loogu sheegay isla markaana uu u dirayo gudi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano. Gudigan ayaa howshooda isla galabta bilaabey waxaana horkacayo Xildhibaan/Col. Cabdullaahi Ducaale Faras oo kasoo jeeda isla deegaanka falka uu ka dhacay. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan rag ka mid ah siyaasiyiin Puntland oo raba in ay xukuumadiisa qal qal ku abuuraan, waliba qaar ka mid ah siyaasiyiintan ayaa xil ka haaya xukuumadiisa. Todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada Boosaaso lagu daadiyey waraaqo muujinaaya ereyo looga soo horjeedo xukuumada Faroole, iyadoo ay shacabka reer Boosaaso isku raacsanyihiin in howlgalkan ay ka dambeeyaan hogaanka ciidamada PIS ta. Ciidamada PIS ta ayaa sidoo kale wada howlgalo shacabka gobolka Bari iyo dowlada iska horkeenaaya, iyadoo ay ugu dambeysay howlgaladii ka dhacay Boosaaso iyo Ceel Daahir. Si kastaba ha ahaatee, beelaha SHB ayaa shir uga bilowdey deegaanka Dhahar isla markaasina kasoo saarey Baaq ku aadan dhacdadii deegaanka Ceel Daahir, sidoo kale waxaa shir ugu furmey beelweynta SHB magaalada Boosaaso, taasoo looga arinsan doono sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dadka qalqalka ka dhex wada gobolka Bari. Maxamed Xuseen Xigasho: Dhahar.com
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









Shir albaabadu u xiranyahay oo ay wada yeesheen beelaha Sanaag/Haylaan/Galbeedka Bari ayaa ahaa mid xasaasi ah oo looga hadley xaaladii ka dhacdey deegaanka Ceel Daahir. Shirkan ayaa madaxweynaha u sheegay beesha SHB in ay dowladu baaritaan ku sameyn doonto dhacdadii ka dhacdey deegaanka Ceel Daahir. Madaxweynaha ayaa sheegay in si qaldan wax loogu sheegay isla markaana uu u dirayo gudi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano. 






