| SHIR LA FILAYO IN UU MAANTA DEGAANKA HOLHOL UGA FURMO ISIMADA GOBOLADA SOOL IYO CAYN |
|
|
|
| Sunday, 24 January 2010 15:10 | ||||||||||||||||||
|
HOLHOL: Kulankan ay yeelan doonaan guurtida goboladaas ayaa waxaa si guud looga hadli Doonaa arimaha gobolka sool gaar ahaan xarunta gobolkaas ee Laas caanood oo Mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka jireen xaalad amni xumo ah oo ay waxyeelo ka soo Gaarto dadka shacabka eek u nool magaaladaas sidoo kalena ka soo horjeeda maamulka Somaliland ee ka arimiya xarunta laas caanood. Kulankan ayay isimada gobolkaas ku balan sanaayeen in uu qabsoomo xili hore kaasoo la Sheegay in uu u baaqday cilado xaga amaanka balse taasi bedelkeeda ay noqotay in uu Maanta ku qabsoomo Hol hol oo hoos tagta degmada Xudun . Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo fidiyay gogosha ay isugu imaanayaan maanta Isimadaas ayaa sheegay in kulankaas uu maanta furmi doono sida uu noo xaqiijiyay C/raxmaan Xirsi Faarax oo ka mid ah waxgaradka gobolkaas kana mid ahaa odoyaal iyo Waxgarad agaasimaya kulankaas sidoo kalana booqday goobta uu kulankaasi ka dhici Doono. Sikastaba ha ahaatee  kulanka isimada Sool iyo Cayn ayaa ku soo beegmaya xilli amaan daro Ay ka jirto magaalada Laas Caanood dadka degan magaaladaasina ay dhibaatooyin kala Kulmaan ciidamada Somaliland. Isku soo wada duuboo kulanka isimadaas ayaa dadku ay is waydiinayaan in ay wax ka Bedelmi doonaan arimo ay ka mid yihiin kala qaybsanaanta siyaasiyiinta goboladaasi ee U kala jaban maamulada Puntland iyo Somaliland iyo waliba xaaladaha cakiran ee ku Aadan xarunta gobolka Sool ee Laas Caanood.
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |
||||||||||||||||||









:Kulan mudo la sugayay oo ay yeelan lahaayeen isimada gobolada sool iyo Cayn ayaa Maanta lagu Wadaa in uu ka furmo deegaanka Hol hol oo ka tirsan gobolka sool.





