|
Badhan Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Col C/xakiin Maxamed Liibaan Dabaq Ayaa Maanta Shir Jaraaid Kuqabtay Magaalada Badhan ee Xarunta Labaad ee Gobolka Sanaag Waxana Haliyuhu uu Shirkiisa Kaga Warbixiyey Arimaha Amaan Xumada Degaanada Puntland ee Gobolka Sanaag Highland Iyo Gobolka Bari Waxana uu Xusay Amaanka Gobolka Sanaag In uu Wanaagsan yahay Ayna Howl Galo badan kasameeyeen Degaanada Laasqoray Iyo Boosaaso isku Xira.
Dabaq Maxamed Liibaan Ayaa Sheegay In Kooxo Burcad Badeed Ah Iyo Kuwa Wax Tahriibiya Ay Degaankaas Gobolka Sanaag Iyo Bari Dhinaca Galbeedka Ah uu Ka Ilaaliyey Waxana uu xusay in degaanka amaankiisa uu aad uwanaagsan yahay Taliyaha Ayaa Mar Wax laga weydiiyey Gelitaankii Ciidamada Booliiska Gobolka Bari Magaalada ceelaayo In Ay Sharci Daro Ahayd Iyo In Kale Wax uu Sheegay In Ciidamada Amaanka Puntland Wada Shaqeeyaan islamarkaana Isaga oo badhan Jooga Taliyaha Qaybta Gobolka Bari uu Usheegay In Ceelaayo uu Howl Gal Kasoosameeyo oo isaga xiligan badhan uu joogo balse aaney jirin wax sharci daro ah. Su aal taliye degaanka ceelaayo Ciidamada Booliska Gobolka Bari Waxay Soodheceen Alaabo  Iyo Hub Dadna Waa Soo Xirxireen Markaas Sow Loma oran Karo Arimaha Puntland Degaankaas Kawado Bay Qayb Katahay.  Jawaab Amaanka Degaanada Puntland Looga Cabsan Maayo Waxa Puntland Wado Iyo Hadalo Aan Xaqiiqada Kusaleysneyn Puntland Amaanka Gobolada Hihgland Sanaag iyo Galbedka Gobolka Bari Anigaa Taliye Ka Ah uu Uqaabilsan Waana Ogaayeen Dadka Goboladaas In Dagaal Aan kula Jirney Burcad Badeeda Cida Amaanka Xumeyneysa Iyo Tuugada Laasqoray Ilaa Bosaaso 3 Jeer Baan Dad Iyo Gaadiid Kusooqab qabtay Dadkaasna Waxay Ahaayeen Dad Sameecada Iyo manqdaqada Wax udhimaaya Sidaas Darteed Boliiska Amaanka Cidna Wax Kaweydiin maayo. Dhinaca Soolka GobolKa Sanaag Xingalool barafaha qol  Ilaa Badhan Inta Udhexeysa 160 Hogood Baa Ciidamada Booliiska Goboladaas Gubeen Marka Cidii Amaanka Wax udhimeysa Cidamada Amaanka Goboladaas Ama Waa Qabanayaan ama Waadilayaan Sidoo kale Galbeedka Gobolka Bari deganka  Qow Waad Lasocotaa Dad Ajnabi Ah Baan kusoo qabqabanay oo somali naakhuudayaal u ah burcad badeed bayna ahaayeen. Magaalada Ceelaayo Taliyaha Gobolka Bari Anigaa Udiray Wax Khasaare Ahna Degaankaas Kama Aysan Dhicin. amaanka ceelaayo oo ilaa dowladii dhexe ee maxamed siyaad bare aan siweyn loo sugin iyo xeebta bari iyo sanaag Maanta Waa Nadiif Intii Aan Xilka Qabtayna Degaankaas Burcadii Maraakiibta La Imaan Jirtey Waa Ka Eryey Hadeer Hobyo Iyo Xarar Dheere Bay latagaan. Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Ayaa Sheegay In uu Balan Qaadaayo Amaanka Dhismaha Dekeda Laasqoray islamarkaana hadii Hay,adda Aaminsantahay Iyo Deeg Bixiyaasha In Amaanka Xunyahay Ay yimaadaan Ciidankii Burcada Ahaa ee Laasqoray joogey Hadeer Shaqo baanu Siinay Waana Kuwa Amaanak Sugaaya oo Booliiska Gobolka Bay kamiyihiin. Su aal Taliye Qaab noocee Ah Baad U Aaminsantahay In Amaanka Dekeda Aad usugi Kareyso. Amaanka Laasqoray Waxaan usugayaa Si Cadaalad nabad Iyo Nadaam kala Dameyn Iyo hanan leh Waxana Horseed u Ah In marka Hore Degaanka laasqoray Dadka Degaanka Amaankooda Sugan karaan ee reer Sanaag Highland Iyo Bari balse Aaney Sugeyn Cid Kale,Ciidan Kufilan Waan haysanaa Amaanka Goboladaas Laasqorayna iyada Waaba Meel Bartamaha Gobolka Ah. oo Dadka Ka Aaminsan Meel Burcad Joogto Ama Amaan Aan Ahayn Waa Dad Aan Goboladaas Kasoojeedin Baalagayaabaa,  Taliyaha Ayaa Intaas Kudaray In Dhinaca Degmada ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Dhowaan uu Gaari Doono Mudooyinkana uu Ku Howlanaa Qorshahaasi Waxana uu sheegay In Dadka Degaanka Caqabad Kunoqdeen Markii Hore Balse Hadeer Ay Socoto Waan Waan Lagu Ogolaanaayo In Booliiska Amaanka Ceerigaabo lawareegaan oo dhowan halkaas gaaraan. Taliyaha Ayaa Mar Wax Laga Weydiiyey In Nabad gelyo gudaha Ceerigaabo uu Kutegi Karo Ayaa Tibaaxay In Taliyaha Gobolka Sanaag Isagu uu Yahay oo uu Dhamaan Gobolka Si Nabad Ah Ku Tegi Karo Hadii Ladamco In La Carqaladeyona Ay isku filanyihiin Ciidanka Booliiska. Taliye Ciidanka Aad Haysataan Waa Intee In Le Eg ? Ciidanka Aanu Haysano Waa Ciidan Ku Fulin Gobolada Aan kuusheegay Iyo Awood Kasta oo ka hortimaada iska dhicin kara amaanka Iyo Kala Dameyntana Ilaalinkara oo Xarumo Kuwada Leh Degaanka oodhan. Ceerigaabonews/desk Maxamed Aamin Yare Boosaso pUNTLAND Somalia
|