|
Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta soo bandhigay meydka askari Ugandes ah oo kaasoo ay ku dhex gubeen baabuur Taangi AH |
|
|
|
|
Friday, 02 July 2010 17:29 |
|
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay gubeen mid ka mid ah gawaarida Tankiga ee ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo dagaalo xoogan ay kula jireen Alshabaab waxa uuna Sh. Cali Dheere sheegay in ciidamada AMISOM ay xasuuq u geesteen dadka rayid ah.
Afhayeenka Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa wuxuu sheegay gaarigaasi Tankiga ah inay ku gubeen dagaaladii cuslaa ee maanta, oo ah maalintii labaad, ka socday waqooyiga magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Bridgye Bahoku wuxuu qiray mid ka mid ah gawaaridooda Tankiga inuu ciladoobay ka dib markii dab uu qabsaday, wuxuuna sheegay ciladaasi in aysan wax lug ah ay ku leeyihiin xoogaga dagaalka iyaga uga horjeeda ee Islaamiyiinta . Dhinaca kale, Dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu geestay qasaaro baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, inkastoo tirada qasaarahaasi aan weli si rasmi ah loo heynin.
          Â
.JPG)
|