|
BANAABAXYO RABSHADO WATA OO KA SOCDA MAGAALADA HARGAYSA EE MAAMULKA SOMALILAND |
|
|
|
|
Saturday, 12 September 2009 11:58 |
Banaan baxyo rabshado wata ayaa ka socda Magaalada Hargeysa, iyadoo ay gebi ahaanba xiran yihiin isu socodkii gaadiidka ee magaalada, waxaana magaalada buux dhaafiyay boqolaal dadweyne oo careysan.
Sida ay sheegayaan wararka banaan baxyada oo ah mid saf ah ayaa lagu gubay qaar ka mid ah gaadiidka ay leeyihiin Mas'uuliyiinta Somaliland iyo taayaro, iyadoo xaalka magaalada uu yahay mid kacsan.
Banaan baxan oo ah mid aan horay u soo marin ayaa waxaa jira waxyeelo uu geysanayo, iyadoo ay Ciidamada ay rideen rasaas ay shacabka banaan baxayay ku kala racdeynayeen, waxaana banaan baxyadu si weyn uga biya diideen in la kala eriyo.
Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Somaliland ayaa banaan baxyadu ay aad u buux dhaafiyeen, iyadoo dadka laga dheehanayo caro aad u weyn.
Banaan baxayaasha ayaa taageersan Xisbiyada Mucaaradka ee diidan sida loo wado doorashada iyo dib u dhigista lagu sameeyay.
Xaalada Somaliland ayaa ah mid faraha la galeysa qalalaaso siyaasadeed kii ugu xumaa, taasoo keeni karta bur bur ku yimaada maamulka iyo dagaalo sokeeye oo ka dhex bilowday dhinacyada isku haya xilka madaxtinimada.
HMC
|