|
Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiskii Jabuuti lugu saxiixay. |
|
|
|
|
Wednesday, 16 September 2009 16:15 |
|
MUQDISHO: :Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake oo ka hadlay markii ugu horeysay heshiiskii lugu saxiixay magaalada Jabuuti ee uu saxiixay Wasiirka Kulluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya C/rixmaan Xaaji Aaden (Ibi).
Heshiiskii lugu saxiixay magaalada Jabuuti ayaa ka hor imaanayay mid ka mid ah qodobadii ay gaareen dawladda Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, 23-kii Bishii hore, isagoo si gaar ah uga hor imaanayay qodobka ah in Xarunta Ladagaalanka Burcad Badeda laga dhiso deegaanada Puntland.
Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo Shariif Sheekh Axmed ayaa isku raacay in xaruntaasi laga dhiso dalka Jabuuti, taasoo aad uga soo horjeeda heshiiskii Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Raysalwasaaraha Soomaaliya wuxuu shaaciyey in aysan heshiiskaas iyo kii Jabuuti waxba ka dhaxeyn, isla markaasna uusan marnaba carqalad gali karin heshiiskii uu ku saxiixay magaalada Gaalkacyo.
Heshiiskaasi qodobadiisa waxaa kamid ahaa in xarunta Tababarada iyo Ladagaalanka Burcad badeda laga dhiso deegaanada Puntland, caalamkana ay ka dhaadhiciso dawladda Faderaalku, balse heshiiskii loo saxiixay dawladda Jabuuti ayaa carqalad ku noqday.
R/wasaare Sharmaake wuxuu balan ku qaaday in ay dhamaantood hirgalayaan qodobadaasi, wuxuuna shaaciyey in ay dhawaan labada dhinac bilaabi doonaan wada xaajoodyo toos ah oo ku aadan xaaladaha heshiiskaas, oo la hirgalinayo sida ugu dhaqsaha badan.
Mr. Sharmaake wuxuu sidoo kale beeniyey in uu dhaxeeyo isaga iyo Madaxweynah dawladda Soomaaliya, khilaaf ku aadan arrimahaasi, isla markaasna wasiirada dawladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha uu ka dhaxeeyo xirii wanaagsan oo ku aadan xaalada dalka.
Todobaadkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayay warar sheegaya in uu jiro khilaaf udhaxeeya Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Raysalwasaare Cumar C/rishiid Cali, kaasoo ka dambeeyey markii uu R/wasaaruhu heshiis lagalay dawladda Puntland ee Soomaaliya, kaasoo mid lid ku ah heshiiskii Galkacyo ay saxiixeen Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya. Â HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
|