Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka tirsan barlamanka KMG ayaa dhaliishay golaha cusub ee xukuumada KMG ee Soomaaliya ee uu soo magacaabay raisul wasaare Cumar C/rashiid. Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo maanta u warameysey barnaamijka Xog Ogaal ee Horseed Media ayaa sheegtay in magacaabista golaha wasiirada ay ku timid ka fiirsasho la’aan taasi oo ka dhalatey habkii wada tashiga ee loo baahnaa in la maro oo aan la marin. HALKAN KA DHEGAYSO
Caasha oo Horseed Media ay weydiisey waxa ay tabaneyso ayaa sheegtey in golaha wasiirada dadka soo galey ay yihiin intooda badan kuwo ka soo jeeda dhinaca isbahaysiga dib u xoreynta ee uu ka yimid madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxayna raisul wasaaraha ku eedeysey inanu taladiisa ku magacaabin wasiirada ee ay tahay mid loo diyaariyey oo “jeebka loo geliyey” sida ay hadalka u dhigtey. Xildhibaanad Caasha Cabdalla waxay tilmaantay in beelaha qaarkood la siiyey wasiiro “caato ah” oo ad uga yar intii ay filayeen, taasoo ay ku fasirtey inay qeyb ka tahay caddaalad darada dhacdey. Caasha Cabdalla oo aanu weydiiney waxa ka jira in iyada markii hore lagu darey golaha wasiirada ayaa sheegtey in iyada markii hore lagu soo qorey waraaqda magacyada golaha cusub ee wasiirada ayna xaq u leedahay inay wasiir noqoto laakiin laga tirey liiska daqiiqadihii ugu dambeeyey, taasoo ay sheegtey “inaaney garaneyn sababta”. Caasha Axmed Cabdalla oo hadda ku sugan Djibouti ayaa sidoo kale sheegtey inay aad u yar tahay rajada lag qabi karo in dawladan ay qabato waxa ay shacabka Soomaaliyeed sugayaan. Iyadoo sidoo kalana ka gaabsatey inay baaq u dirto hogaanka dowlada mar taasi la weydiiyey. Caasho Axmed Cabdalla waxay noqoneysaa xildhibaankii ugu horeeyey ee ka tirsan barlamanka KMG oo si toos ah u dhaliila golaha cusub ee wasiirada ee uu magacaabay raisul wasaare Cumar C/rashiid Cali. Source: HR Media / interview |